Ururka Al-Shabaab oo dib u qabsaday deegaan horey looga saaray

Published: January 6, 2023

Ururka Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay saaka weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Afhayeenka dhanka howlgalada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta tuuladaasi kadib dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda ayaa tabisay in Al-shabaab ay jab iyo khasaaro xooggan kala kulantay dagaalka ay saaka ay ku soo qaadday deegaanka Hilowle gaab.

Sidoo kale Dowladda ayaa beenisay wararka sheegaya in gacan ku haynta tuulada lagala wareegay ciidamada dowladda.

Horseed Media