Ururka Daacish oo Duqeyn lagula eegtay  buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

Published: January 26, 2023
Shares12

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacday buuraha Calmiskaad ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari ee Puntland.

Goobta duqeynta lala beegsaday ayaa la sheegay inay fariisin ku laahaayen Ururka Daacish, sida ay xaqiijiyeen ilo amni iyo dadka deegaanka.

Duqeyntan ayaa socotay ilaa saaka waabarigii, yadoo ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ma jirto ila hadda cid sheegay inay ka dambeysay duqeyntan.

Horseed Media