Ururka Mideeye Oo Soo Dhoweeyey Heshiiskii Dhuusamareeb 3

Published: August 22, 2020

Urur siyaasadeedka Mideeye ee Puntland ayaa soo dhoweeyey heshiiskii kasoo baxay wajiga seddexaad ee shirkii dhuusamareeb, wuxuuna sheegay inuu u arko talaabo wax ku ool ah oo loo qaaday doorashada Soomaaliya 2020/2021.

War qoraal oo kasoo baxay ururka Mideeye ayaa loogu baaqay dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland inay qayb ka noqdaan dadaalada loogu jiro xal u helida doorashada soo socota ee dalka.

Ururka Mideeye wuxuu u mahadceliyey dowlad goboleedka Galmudug oo fidiyey gogosha shirarkii kala dambeeyey ee Samareeb, ex-Dhuusamareeb 1/2/3.

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay soo saaray war-murtiyeed ay ku sheegeen inuusan qusayn heshiiska kasoo baxay Dhuusamareeb 3.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Ururkani wuxuu cadeeyey inuusan lahayn aragti dheer una bislayn marxaladaha adag ee lagu jiro. Arimaha dhuusamareeb waxaa ka hadalkiisa leh xukuumada puntland wayna ka hadashay, marka xisbigani wuxuu muujiyey fudayd iyo inuu yahay mid si fudud loogu adeegsan karo khal khal LA gesho mandiqada puntland.

  2. Aan wada hadalno waa aan heshiino. Arin macquul ah laakiin u baahan in la sii farafareeyo ayaa laga soo saarey shirkii duusamareeb 3. Waa diidey waxwalba xalmaaha. Rag baa waxan kula wadaaga raba iney kaa sad bursadaan. Iskaceli laakiin idiin iman maayo marna xalmaaha aniga aragtideyda.