Ururka Shabaab iyo ciidanka dowladda oo ku dagaalamay gobolka Shabeelada Hoose

Published: February 12, 2017

Dagaal xoogan oo u dhexeeyey maleeshiyada Shabaab iyo ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay deegaano u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyo ka tirsan ururka Shabaab ay weerar toos ah ku soo qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka milateriga Soomaaliya, waxaana ka dhashay dagaalkaasi khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ururka Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dileen 19 askeri oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, inkastoo aan weli aysan ka hadlin dowladda Soomaaliya

Dagaalka ayaa ahaa mid socday saacado , iyadoo ciidamo gurmad ahaa oo u socday deegaanada lagu dagaalamay lala beegsaday qaraxyoiyo iyo gantaalada garbaha laga tuuro .

Waxa uu ku soo beegmayaa dagaalka xili wadanka ay ka dhalay dowlad cusub

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *