Ururka Shabaab oo Weerar ku qaaday Degmada Afgooye

Published: February 11, 2018

Dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose oo qiyaastii 30km u jirta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Weerar ayaa ku bilowday bamb lagu tuuray saldhigga ciidanka ee laga difaaco degmada Afgooye , waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidmada Dowladda Soomalaiya iyo Xoogaga Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Booliska Afgooye Cabdiqaadir Cismaan Nuunow ayaa sheegay in aanay jirin Al-Shabaab gudaha u soo galay Degmada Afgooye, isagoo xusay in ay iska caabiyeen weerarkii ay soo qaadeen

Mudooyinkii ugui dambeeyey waxaa Degmada Afgooye ka dhacayey weeraro iyo qaraxyo ay ka geysanayeen Ururka Shabaab, kuwaasi oo Ciidamada Dowladda ee ku sugan Afgooye loogu geysaneyey khasaare kale duwan.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *