Ururka Sincad Oo Soo Jeediyey Dhamaan Ururada Siyaasadda Puntland In Loo Aqoonsado Xisbiyo

Published: July 23, 2023
Shares8

Urur Siyaasadeedka Sincad ee Puntland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland gaar ahaan arrimaha doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo tan madaxtinimada ee 8da Janaayo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Ururka Sincad oo lagu cadeeyey aragtidooda siyaasiga ayaa ka koobnaa lix qodob oo ay kamid ahaayeen in dhamaan ururada siyaasadda loona aqoonsado xisbiyo siyaasadeed si ay uga qaybqaataan doorashada golaha wakiilada, isla markaana doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ay ku dhacdo nidaamka baarlamaaniga oo aysan dhaafin 8da Janaayo 2024.

Sidoo kale in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto doorashada seddexda degmo ee diiwaangelintu horey uga dhacday ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media