Ururka SYSA Ayaa Dood Cilmiyeed ku Aadan Tacadiyada Loo Gaysto haweenka Ku Qabtay Magaalada Gaalkacyo [Sawiro]

Published: February 2, 2012

Ururka SYSA ayaa Maanta dood cilmiyeed ku aadan Tacadiyada jinsiga ee ay dumarku la kulmaan iyo faafitaanka cudurka HiV/AIDS-ka, ku qabtay hoolka Laybareeriga guud ee magaalada gaalkacyo.

Dood cilmiyeedkan oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 100-qof oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee bulshada sida waxgaradka,Culimaa`uddiinka, haweenka, iyo dhalinyarada waxaa soo qaban qabiyey Ururka SYSA oo ka shaqeeya dhamaan deegaanada Puntland, waxuuna qayb yahay barnaamijka IRAPP oo uu maalgeliyo ururka IGAD/World Bank islamarkaana ay kor ka maamusho hay`adda Puntland u qaabilsan xakamaynta HIV/AIDS-ka ee PAC.

Cali Faarax Samatar oo xobin ka ah ururka SYSA ayaa ugu horeyn kulankaas furay, wuxuuna ka warbixiyey ujeedada ay dood cilmiyiidkan usoo qaban qaabiyeen, isagoo sheegay inay tahay sidii la isaga xog waraysan lahaa tacadiyada ay dumarku la kulmaan iyo weliba sidii looga hortegi lahaa cudurada galmada ku faafa ee uu HIV-gu ugu daran yahay.

Cali Faarax ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in wax la iska yiraahdo tacadiyada ay dumarku la kulmaan maadaama uu xiriir weyni ka dhexeeyo tacadiyada dumarka lagula kaco sida kufsiga iyo fiditaanka cudurka HIV/AIDSka.

Mr Cali ayaa ugu danbeyntii ku booriyey dadka dood cilmiyeedkaas ka qayb qaatay inay gudbiyaan fariinta loo dhiibey iyo macluumaadka ay faa`iideystaan isagoo kula dar daarmay in xogta HIV-ga iyo tacadiyada dumarka ku saabsan ee ay hayaan aanay iyaga keliya isku soo koobin ee ay bulshada inteeda kale gaarsiiyaan.

Agaasimaha xafiiska hay`adda xakamaynta AIDS-ka Puntland (PAC) ee gobolka Mudug Cabdulqaadir Maxamud Cabdi oo isna dood cilmiyeedkaas kasoo qab galay islamarkaana macluumaad badan oo ku saabsan HIV-ga iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka siiyey dadkii doodaas ka qayb qaatay ayaa sheegay in kulankani uu ka duwan yahay kulamadii ay horay ururka SYSA, IRAPP, iyo PAC isula soo qabteen.

Mudane Cabdulqadir Maxamuud wuxuu tilmaamay in kulamadii hore ay ahaayeen kuwo dadka iyaga macluumaad lagu siin jirey balse kulanka maanta uu yahay mid dadku ay iyaga dhexdoodu isaga faa`iideynayaan xogta iyo macluumaadka ku saabsan tacadiyada haweenka lagula kaco iyo HIV/AIDS-ka.

Nabadoon Shaafici Cabdi Maxamed oo isna kahor intii aan dooda la bilaabin hadlay ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay guurka ku deg degaan si ay uga hortagaan inay fitmo ku dhacaan naftoodana ay uga badbaadiyaan caro alle iyo cuduro halis ah, wuxuuna gabdhaha si gaar ah ugula dar daarmay in aanay dhalinyarada guur doonka ah aad u xujeyn balse ay qaabilaan maadaama uu guurka eebe u jideeyey ujeedooyin badan oo sharci ah.

Sidoo kale intii uu socday furitaanka dooda aya waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah ka soo qayb galayshii kulankan oo ay ka mid ahaayeen wiilal iyo gabdho ka socday qaybaha bulshada gobolka Mudug,waxaana dhamaantood ay cabireen fikirkooda ku aadan barnaamijkan uu wado ururka SYSA.

Kulankan uu magaalada Gaalkacyo ku qabtay ururka SYSA ayaa waxaa uu qayb ka yahay barnaamijka IRAPP oo ay dhaqaalaha ku baxaya ay bixiyeen IGAD/World Bank kaas oo ay dusha ka maamusho hay`adda Puntland xakamaynta AIDS-ka u qaabilsan ee PAC.

 

Axmed Maxamed Cali [Caano-Geel]

Horseed Media

Gaalkacyo-Puntland