Ururrada siyaasadda ee Puntland oo cambaareeyey sida dowladdu u maamushey doorashadii EYL

Published: September 5, 2022
Shares114

War saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah ururada siyaasadda ee kala ah Dhalinyarada, Ifiye, Mideeye iyo SINCAD ayaa si adag loogu cambaareeyey doorashadii dhawaan Madaxweynaha Puntland u tegey degmada EYL ee daahsaneyd mudada sanadka ah, taas oo lagu doortey guddoomiyaha iyo ku xigeenka Eyl.

Ururadan ayaa ku eedeeyey in aan loo marin hannaankii doorashada iyo sharciga u degsan goloyaasha deegaanka ee ay noqotey mid ay boobeen ururka KAAH.

Boobka bareerka ah ee dowladdu ku samaysey doorashadii golaha deegaanka degmada Eyl waxay dhaawac aan laga soo kaban karin ku tahay rajada laga qabey in Puntland laga higeliy hannaanka doorashada qof iyo cod ah ayaa lagu yiri

Ururada siyaasadda ee Puntland ayaa ka kooban 9 urur, waxaana barnaamijka horey u qaadacay ururka Horseed ee uu hoggaamiyo Sen Cabdiraxmaan Faroole.

Warsaxaafadeedka hoos ka kahri:

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *