US: Hooyo iyo caruurteedi oo 20 saac ku xanibneyd Dulles Airport, go’aanka Trump dartiis

Published: January 30, 2017

Hooyo Soomaaliyeed iyo laba caruur ah oo ay dhashey ayaa lagu xanibey garoonka diyaaradaha ee Dulles Airport gobolka Virginia, waxaana ay ku xanibneyd muddo 20 saac ah iyada iyo caruurteedu ma aysan helin wax cuno ah sida uu qoray ABC News, waxaana ay ku sigatey in dib loogu celiyo Afrika.

Najib Abi oo ahaa ina adeerka gabadha Soomaaliyeed ee la xanibey ayaa sheegay in qoysku ay ka soo duuleen dalka Kenya oo ay fasax ugu maqnaayeen. Caruurtu waxay ku dhalatey Kenya laakiin waxay haystaan dhalashada Maraykanka, laakiin hooyada ayaa weli hasyata dhalashada Soomaaliya taas oo ay saameysey go’aanka Trump.

Shaqaalaha hay’adda socdaalka ayaa aabaha dhalay caruurta oo ku sugnaa Maraykanka u sheegay in caruurtu raaci karaan laakiin hooyadood dib loogu celinaayo Afrika!. Waxaa Hooyada laga xirey gacmaha waxaana ay diyaar u ahayd in iyada iyo caruurteeda la kala qariyo, laakiin waxaa isla waqtigaas soo baxay go’aanka kumeel gaarka ah ee uu gaarey Xaakim maxkamadeed Judge Ann Donnelly ee u oggolaanaya in ay geli karto Maraykanka, waxaana ay diyaarad kale u raacdey gobolka ay deganeyd ee Minnesota.

Go’aanka Madaxweynaha Maraykanka ayaa jaah-wareer xooggan keenay, waxaana weli socda mudaaharaadyada ka dhacaya dalka Maraykanka.

Qaar kamid ah warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in kuwa weerarada ka geystey gudaha Maraykanka badankod ay ka soo jeedaan dalal kale oo aan ka mid ahan 7 dal ee Donald Trump xanibaada ku soo rogay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *