USA: Aqalka Sare oo ansixiyey hubka Trump ka iibinayo Imaaraatiga

Published: December 10, 2020

Aqalka Sare ee Senate-ka Maraykanka ayaa ugu danbeyntii ansixiyey qorshaha dowlada Trump ay hubka badan uga iibineyso dowlada Imaaraatiga.

Mashruucan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar ayey Imaaraatiga doonayaan inay Maraykanka kaga gataan hubka casriga ah gaar ahaan diyaaradaha F-35 iyo Drone-ka loo yaqaan Reapers.

Balse waxaa si weyn uga soo horjeeday hubka badan ee Imaaraatiga laga gadayo qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Dimuquraadiga ee Kongareeska oo dowlada Imaaraatiga ku eedeeyey danbiyada dagaal ee ka dhacay dagaalka ka socda wadanka Yemen.

Imaaraatiga oo dhawaan heshiis la galay Israel ayaa qorshahoodaas qeyb ka ahaa in loo fududeeyo hubkan casriga ah oo ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan.

Madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu codkiisa qayaxan ee VETO u adeegsan doono meel marinta iibka hubkan Imaaraatiga doonayo hadii Aqalka Sare is-hortaago qorshahooda, arrintan oo ku cadaadisay xildhibaanada xisbigiisa Jamhuuriga ee heysta Aqlabiyada aqalka Sare inay ansixiyaan mashruucan.

Mashruucan ayaa waxaa sidoo kale gadaal ka riixayey shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka oo awood badan ku dhexleh labada xisbi ee wadanka Maraykanka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *