USA: Ardayda Iskuulada oo bilaabay Kacdoon looga soo horjeedo hubka

Published: February 20, 2018

Waxaa socda dhaq dhaqaaq xoogan oo ay wadaan ardayda iskuulada dalka Maraykanka oo ay uga soo horjeedaan xasuuqyada sida joogtada ah uga dhaca iskuulada dalkaasi iyo hubka gacanta ugu jira shacabka Maraykanka.

Kacdoonkan Ardayda oo hada bilow ah ayaa lagu wadaa inuu sii balaarto bisha soo socota ee Maarso, iyadoo ay Ardayda iskuulada Maraykanka sheegeen inay qadan doonaan mudaharaad balaaran iskuuladana ka bixi doonaan 14ka bisha Maarso.

Dhaq dhaqaaqan ayaa yimid kadib xasuuqii Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacay dugsi sare oo ku yaal gobalka Florida oo uu arday hubeysan ku dilay 17 qof.

Ninka dilka geystay oo kamid ah ardayda dhiganeysay iskuulkaasi ayaa la sheegay inuu weerarka uu ku geystay qori nooca AR-15 oo uu soo gatay. Ardaygan ayaa la sheegay inuu heystay 10 qori oo kala gedisan, sida lagu sheegay xogta laga helayo baaritaanka socda.

Shacabka Maraykanka ayaa si weyn uga careysan sida fudud oo lagu iibsan karo hubka dalkaasi Maraykanka, waxaana tusaale loo soo qaadanayaa in ardayda xasuuqan ugu danbeeyey geystay oo 19 sano jir ah uu sharciga dalkaasi Maraykana u ogoleyn inuu iibsado Khamri, balse loo ogol yahay inuu iibsan karo hubka dagaalka ee xasuuqa ku geystay.

Arrintan ayaa loo aaneenayaa kooxda loo yaqaan NRA iyo shirkadaha hubka soo saara oo awood weyn ku leh dalkaasi, kuwaasi oo si weyn ugu ololeysa in la fududeeyo shuruucda hubka, isla markaana lacag badan ku bixiya Xildhibaanada dalkaasi inaysan waxna ka bedalin sharciyada u fasaxaya shacabka inay si fudud u gataan hubka.

Macada in dhaq dhaqaaqan cusub uu wax ka bedali doono sharuucda dalkaasi Maraykanka ee hubka, balse waxaa lagu tilmaamay inuu yahay ololihii ugu balaarnaa oo noociisa ah oo dalkaasi ka bilowda.

Banaanbaxayaashii ugu horeeyey ayaa shalay Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad hortiisa ku banaanbaxay iyagoo sita boorar ay ku qoron yihiin “…Enough is Enough” iyo “NRA: Stop killing our kids!”.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *