USA: Barack Obama oo qabtay shirkiisii Jaraa`iid ee ugu danbeeyey – VIDEO

Published: January 19, 2017

Madaxweynaha Maraykanka ee xilka ka degaya Barack Obama ayaa shalay gelinkii danbe qabtay shirkiisii jaraa`iid ee ugu danbeeyey kahor intuusan xilka Wareejin Jimcaha beri ah.

Obama ayaa shirkiisan jaraa`iid uga hadlay arrimo badan oo la xariira wixii u qabsoomay 8dii sano ee u xilka hayey, isagoona sidoo kale difaacay go`aankiisii ugu danbeeyey ee ahaa cafiskii uu u fidiyey Askarigii Bradley Manning oo ahaa ninkii bixiyey sirta ciidamada Maraykanka sanadkii 2009.

Cafiska loo fidiyey Manning ayaa waxaa si adag u cambaareeyey Xisbiga xaakimka talada la wareegaya ee Jamhuuriga oo ku tilmaamay askarigaasi nin Qaranka Maraykanka dhaawac weyn u geystay. Maxkamada Militariga ayaa askarigaasi horey ugu xukuntay 35 sano kadib markii uu qirtay inuu sirtan u gudbiyey shabakada Wikileaks oo xiligaasi kusoo caan baxday faafinta sirtuu siiyey Bradley Manning.

Manning ayaa lagu wadaa in xabsiga laga siidaayo bisha May ee sanadkan kadib markii ay u buuxsanto 7 sano oo xabsi ah, Obama ayaa sheegay in ciqaab ku filan askarigan la marsiiyey.

Barack Obama ayaa docda kale ka hadlay rajada uu ka qabo Xukuumada xilka la wareegi doonta ee uu hogaaminayo Donald Trump, wuxuuna sheegay inuu ku kalsoon yahay awooda Shacabka.

Madaxweyne Obama wuxuu kaloo ka jawaabay su’aalo la xiriiray xurgufta u dhaxeysa Maraykanka & Ruushka iyo cunaqabateyntii uu saaray Xukuumada Vladimir Putin.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *