Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khudbadiisa kasoo jeediyey furitaanka shirweynaha Xisbiga Dimuquraadiga oo isniintii ka furmay magaalada Chicago.
Biden ayaa khudbadiisa uga hadlay taageerada uu u hayo murashaxa xisbigooda Kamala Harris oo hada ah Madaxweyne kuxigeenka.
Joe Biden ayaa ka codsaday shacabka inay taageeraan Murashaxiinta dimuquraadiga Kamala Harris iyo kuxigeenkeeda Tim Walz doorashada soo socota.
Wuxuu sheegay in murashaxa Xisbiga mucaaridka ee Jamhuuriga, Donald Trump uu khatar ku yahay nidaamka dimuquraadiyada dalkaasi Mareykanka.
Madaxweyne Biden oo khudbadiisa kusoo beegay maalinta 1aad ee shirweynaha xisbiga ayaa la filayaa inuu dib ugu noqon doono Washington.
Biden ayaa la sheegay inuusan xiligan xiriir wanaagsan la laheyn madaxda xisbigiisa oo in badan ku cadaadiyeen inuu isaga haro tartanka.
Madaxweynaha xilka ka degi doona ayaa sheegay in bilaha wakhtigiisa uga haray uu xooga saari doono xalinta arrimaha horyaal oo uu kamid yahay dagaalka Gaza.
Waan-waanta laga dhex wado Israel & Xamaas ayuu sheegay inay xooga saarayaan oo ay ka rajo qabaan dhaqan gelinta xabad-joojinta.
Dhinaca kale, magaalada Chicago ayey ka bilowdeen banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo siyaasada Mareykanka ee ku aadan Falastiin.
Kumanaan shacab ah ayaa socod ku maray bartamaha magaalada xili amniga si weyn loo adkeeyey.
Horseed Media