USA: Biden oo ugu baaqay shacabka Mareykanka inay difaacdaan Dimuquraadiyadooda

Published: July 25, 2024

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo khudbad kasoo jeediyay Xafiiskiisa Oval-ka Arbacadii ayaa sharaxay go’aankiisa uu uga tanaasulay tartanka madaxtinimada, isagoo sheegay in sida ugu wanaagsan ee lagu mideyn karo qaranka ay tahay in hoggaanka loo dhiibo jiilka soo koraya.

Waxa uu sidoo kale taageeray madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris inay tahay musharraxa Dimuqraadiga ee madaxweynaha, doorashada Noofembar.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Mareykanka inay iyagu awooda gacanta ku heystaan, isla markaana Mareykanka uusan ahayn goob uu ka taliyo Kaligii Taliye ama Boqortooyo, shacabkana laga doonayo inay difaacdaan Dimuquraadiyadooda.

Biden ayaa sheegay in uu diiradda saari doono sidii uu u gudan lahaa shaqadiisa madaxweynanimo dhowrka bilood ee soo socda, isaga oo tusaale u soo qaatay ka shaqaynta dhimista kharashaadka qoysaska, kobcinta dhaqaalaha iyo difaacida xorriyadda.

Wuxuu kaloo sheegay inuu ka shaqayn doono sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Gaza.

Waxa uu sheegay inuu sii wadi doono xoojinta isbaheysiga ka dhanka ah Ruushka & Vladimir Putin si aysan ulla wareegin dalka Ukraine, sii adkeynta NATO iyo xulafada Pacific.

Horseed Media