USA: Biden oo uu saaran yahay cadaadis inuu tartanka isaga haro

Published: July 4, 2024
Shares26

Madaxweynaha ayaa la halgamaya inuu dejiyo cabsida Xisbiga Dimuqraadiga ee ku saabsan caafimaadkiisa kadib fashilkii ka dhashay doodii ugu horeysay ee uu todobaadkii hore la yeeshay murashaxa xisbiga Jamhuuriga Madaxweynihii hore Donald Trump.

Qaar badan oo kamid ah xubnaha saameynta kuleh xisbiga Dimuquraadiga ayaa doonaya inay ka dhaadhiciyaan inuu tartanka ka haro si ay u helaan murashax firfircoon oo doorashada kula tartamaha Donald Trump.

Hase yeeshee Biden oo asbuucii hore kulan gaar ah la yeeshay xubnaha ku dhaw dhaw iyo qoyskiisa ayaa weli ku adkeysanaya inuu sii ahaado murashaxa, isagoo sidoo kale taageero ka helaya qaar kamid ah xildhibaanada xisbigaasi.

Biden oo Arbacadii shalay la hadlay shaqaalaha Madaxtooyada ee Aqalka Cad ayaa yiri “…Cidna igama reebi karto tartankan, kama harayo tartanka waana guuleysan doonaa…”

Madaxweyne Biden oo hada ah 81 sano jir ayuu khal khal weyn ka muuqday doodii todobaadkii hore, wuxuuna Jimcaha soo socda wareysi siin doonaa telefishinka ABC, isagoo sidoo kale booqan doona gobalada Pennsylvania iyo Wisconsin si uu u xoojiyo ololihiisa doorashada.

Xog aruurin laga qaaday shacabka Mareykanka ayaa muujinaysa in 74% shacabka ay aaminsan yihiin in Biden uusan awood caafimaad ullahayn tartanka doorashada.

Horseed Media