USA: Biden oo Xoghayaha Gaashaandhiga u magacaabay sarkaal kasoo jeeda African-American

Published: December 8, 2020

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu u magacaabay Xoghayihiisa Gaashaandhiga sarkaal kasoo jeeda African-Americanka (Madowga Maraykanka).

Lloyd Austin oo lagu wado inuu noqdo Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka ayaa noqonaya ninkii ugu horeeyey oo kasoo jeeda Madowga Maraykanka oo xilkaasi qabta.

Jeneraalkan ayaa lagu xasuustaa inuu hogaaminayey ciidamadii Maraykanka ee qabsaday wadanka Ciraaq sanadkii 2003, isagoo muddo dheer kasoo tirsanaa taliska dhexe ee Militariga Maraykanka.

Gen. Lloyd Austin oo dhawaan ka fariistay xilka Militariga ayaa ah 67 sano jir, khibrad badan u leh dagaaladii Maraykanka ku qaaday wadamada Ciraaq iyo Afghanistan, Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu magacaabista mas’uulkan ku dhawaaqo maalinta Jimcaha ah.

Joe Biden ayaa horey u sheegay in xukuumadiisa ay noqon doonto mid ay kasoo dhex muuqdaan dhamaan bulshooyinka kala duwan ee Maraykanka ku nool, wuxuuna sidoo kale horey u sheegay inuu abaal weyn u hayo Madowga Maraykanka oo qeyb weyn kulahaa guushiisii doorashadii dhacday bishii November.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *