USA: Booqashadii Trump ee xarunta CIA iyo Dagaalka Saxaafada – VIDEO

Published: January 22, 2017

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa maalin kadib markii xilka loo dhaariyey xaruntii ugu horeysay ee dowlada oo uu booqdo ka dhigay saldhiga Sirdoonka Maraykanka ee CIA, halkaasi oo Sabtidii shalay kula hadlay boqolaal saraakiisha hay`adaasi ka tirsan.

Trump ayaa sheegay in Saxaafada iyo warbaahinta Maraykanka ay dagaal culus ku heyso, isla markaana ka faafisay warar ah inuu necebyahay Sirdoonka Maraykanka, arrintaasina uu beeninayo, wuxuuna sheegay 1.000% uu taageersan yahay CIA-da, waa siduu hadalka u yiree.

Balse eedeynta Trump ayaa ah mid uu isaga weecinayo eedeyntii uu todobaad kahor usoo jeediyey Sirdoonka Maraykanka kadib markii la shaaciyey xog sheegaysa in Ruushka uu sir kahayo Trump sidaasina ku khasbeyso Madaxweynaha cusub Trump inuu wanaag u muujiyo Hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, warbixintaasi sirdoonka Maraykanka helay ayaa saxaafada si hoose loogu gudbiyey.

Trump ayaa todobaadkii hore ku sheegay Sirdoonka Maraykanka inay u dhaqmayaan Sidii Nazi-gii Germany isagoo ku eedeyey inay iyagu yihiin kuwa sirtaasi siiyey Saxaafada.

“…Saxaafada beenta faafinyesa ayaa yiri Trump ma jecla sirdoonka Marayanka, taasi waa been majiro qof idiin haya taageerada aan idiin hayo… “ayuu yiri Trump oo la hadlayey hawlwadeenada CIA-da.

Dhinaca kale Trump ayaan soo hadal qaadin arrimihii muhiimka ahaa ee la sugayey inuu ka hadlayo sida weerarkii Ruushka ku qaadeen xisbiyada Maraykanka xiligii Doorashada arrintaasi oo ay CIA-da Maraykanka kasoo saartay digniino, hayeeshee Trump ayaa inta badan shirkiisa jaraa`iid weerar ku qaaday saxaafada oo uu sheegay inay been ka sheegeen Xafladii dhaarinta iyo Caleemo saarka oo uu sheegay in dad badan kasoo qeyb galeen, balse warbaahinta sheegtay in xafladaasi ay ahayd tii ugu dadka yareyd dhaarinta Madaxweynayaashii horey usoo maray Maraykanka.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *