USA: Gacanyarihii hore ee Trump, Steve Bannon oo loo xiray musuq maasuq

Published: August 21, 2020

Steve Bannon oo kamid ahaan jiray Lataliyayaasha iyo Xogheynta Madaxweynaha Donald Trump ayaa kamid ahaa xubnaha xagjirka ah ee cunsuriyiinta lagu tilmaamo.

Bannon iyo Sadex nin oo kale oo ay saaxiibo yihiin ayaa loo heystaa in ay musuq maasuqeen mashruuc been ah oo ay dadka lacag aruursadeen, iyagoo sheegay in lacagtaasi ku dhisi doonaan Darbiga Trump uu sheegay inuu ku xiri doono Xaduuda wadankaasi la wadaago Mexico.

Lacagta Mashruucan oo gaareysay 25 milyan oo dollar ayaa shacabka looga aruurinayey qaabka GofundMe ayaa la bilaabay sanadkii 2018.

Steve Bannon iyo xubnaha kale ee dacwada lagu soo oogay ayaa la sheegay inay dhaqaalaha ay mashruucan ka heleen iyagu si gaar ah u isticmaaleen, iyagoo been u sheegaya dadka ay lacagta ka aruurinayeen.

Mr.Bannon ayaa kamid noqonaya in badan oo kamid ah kooxdii Donald Trump lasoo shaqeysay ee dacwadaha lagu soo oogo ama xabsiga la dhigo.

Bannon ayaa kadib markii uu ka tagay shaqadii uu ka hayey Aqalka Cad mudooyinkii danbe ku mashquulsanaa inuu lataliye u noqdo xisbiyada Xagjirka iyo Cunsuriyiinta ah ee wadamada Midowga Yurub sida dalka Talyaaniga iyo France.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *