USA: Joe Biden “…Waa dhamaatay xiligii Cadaawadda…”

Published: November 8, 2020

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden iyo Kuxigeenkiisa Mrs.Kamala Harris oo soo jeediyey khudbadoodii ugu horeysay kadib guushoodii doorashada ayaa shacabka Maraykanka ugu baaqay inay midnimadooda xoojiyaan.

Madaxweynaha 46aad ee Maraykanka iyo kuxigeenkiisa oo ay wehliyaan qoysaskooda ayaa kumanaan shacab ah kula hadlay magaalada Wilmington ee gobalka Delaware oo uu degen yahay Joe Biden.

Senator Kamala Harris oo noqoneysa Haweenaydii ugu horeysay ee Madaxweyne kuxigeen dalkaasi ka noqota kana soo jeeda dadka laga badan yahay ayaa ka hadashay guusha taariikhiga ah iyo kalsoonida ay ka heleen shacabka Maraykanka oo codkooda ku taageeray, waxayna sheegtay Joe Biden inuu noqon doono Madaxweynihii dib usoo celin lahaa sharaftii Maraykanka.

Joe Biden ayaa dhankiisa diirada saaray mahadnaqa shacabka Maraykanka ee xilka u doortay isagoo aan soo hadal qaadin Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Donald Trump.

Biden ayaa sheegay inuu dhamaaday xiligii Cadaawadda iyo tafaraaruqa, isagoo sheegay inuu ka shaqeyn doono sinaanta iyo cadaalada shacabka Maraykanka lana dagaalami doono cunsuriyada.

“…Waxaan ahay Dimuquraadi balse waxaan sidoo kale Madaxweyne u noqon doonaa kuwii idoortay iyo kuwii aan idooran, Madaxweyne Maraykanka oo dhan u dhaxeeya, xiligana waa xiligii laga shaqeyn lahaa midnimada si aan uga bogsoono wixii nasoo maray…”

Joe Biden

Wuxuu ugu baaqay xisbiga Jamhuuriga inay kala shaqeeyaan dowladiisa sidii wadanka Maraykanka loo horumarin lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka horyaal sida cudurka Covid19.

Biden ayaa sheegay in Isniinta soo socota uu magacaabi doono guddi Khubaro ah oo kala taliya sidii wax looga qaban lahaa cudurka Covid19 oo dalkaasi ku dilay in ka badan 240-kun qof, isagoo sheegay in gudigaasi shaqadiisa bilaabi doono markuu xilka si rasmi ah ulla wareego 20ka bisha Janaayo 2021.

Dhinaca kale inta badan Madaxda dalalka Caalamka ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo kuxigeenkiisa, xili Donald Trump uu weli diidan yahay in laga guuleystay.

Kumanaan kun oo shacab ah ayaa Sabtidii isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka oo ay ku jirto Caasimada kuwaasi oo u dabaal degayey guusha xisbiga Dimuquraadiga.  

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *