Koox Saynisyahanno oo ka tirsan shirkadda Cilmiga bayoolajiga Mareykanka ee fadhigeeda yahay California ayaa ku dhawaaqay in ay heleen daawo loga hortigi karo Cudurka Corona Virus.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/05/dt_200221_covid_19_coronavirus_800x450.jpg)
Madaxda sare ee Shirkadan ay sheegay in dawada loo yaqaan ‘STI-1499 antibody’ ay ogadeen in ay joojinkarto in uu ku faafo jirka bani aadamka xanuunka Corona Virus tijaabooyin la sameeyay kadib.
War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Cilmiga bayoolajiga Sorrento waxaa lagu sheegay in ay soo saari karaan illaa 200,000 bilwaliba, balse ay u baahan tahay ogolaanshaha Dowladda Mareykanka.
Shirkadda Sorrento ayaa sheegtay in ay rumeysan tahay in wax weyn ay ka tari karto daawadaan SARS-CoV-2, oo ah Virus horseedi karo inuu si fudud u faafo xanuunka COVID-19.
Shirkadda ayaa ka warbixisay baaritaankeedii iyada oo ku dhawaaqday in ay heshay Daawo 100% ka hortagi karto SARS-CoV-2.
War saxafadeedkan oo jimcihii shalay ka soo baxay Shirkadda Sorrento ayaa lagu sheegay in Shirkadda ay rumeysan tahay in Daawadan loogu magac daray STI-1499 ay tahay midda uga haboon ee lagula dagaalami karo xanuunkan halista ah ee Corona Virus.
HORSEEDMEDIA