USA: Mareykanka oo heegan sare ku jira iyadoo ay kusoo wajahan tahay duufaanta Hilary

Published: August 20, 2023

Gobollada ku yaal koonfurta-galbeed ee Maraykanka ayaa u diyaar-garoobaya duufaanta Hilary oo cagta soo marisay Mexico, halkaas oo khasaare iyo hal dhimasho laga soo sheegay.

Xarunta Duufaanta Qaranka ee Mareykanka (NHC) ayaa sheegtay in dabeysha Hilary ay si weyn u daciiftay balse ay weli ku socoto xawaare sare oo halis ah (145 kiiloomitir saacaddii).

Xarunta lagala socdo duufaanta ayaa sheegtay in duufaanta ay ku dhufan doonto xeebta-galbeed ee Jasiiradda Baja California, Axadda Subaxdii, ka dibna u gudbi doonto koonfurta California galabnimadii Axadda.

Horseed Media