USA: Mudaharaadyo looga soo horjeedo Trump oo ka bilowday Washington – VIDEO

Published: January 15, 2017

Magaalada Washington ee caasimada Maraykanka ayey ka bilowdeen banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha cusub Donald Trump.

Mudaharaadyadan ayaa la filayaa inay sii xoogeystaan inta laga gaarayo maalinta uu xilka la wareegayo si rasmi ah Mr.Trump oo ku beegan Jimcaha soo socda ee 20ka Janaayo.

Banaanbaxyadan ayaa waxaa soo dadajiyey dood dhexmartay Xildhibaan John Lewis oo kamid ah Halyeyada Madowga Maraykanka ee usoo halgamay xaquuqda dadka madowga Maraykanka oo sheegay inuusan ka qeyb geli doonin xaflada dhaarinta Madaxweynaha cusub.

Xildhibaan John Lewis ayaa sheegay inuusan u arag Trump inuu yahay Madaxweyne si xalaal ah ku yimid, waxaana fikirkan ku taageeray Xildhibaano kale oo sheegay inaysan iyaguna tagi doonin xafladaasi dhici doonta Jimcaha.

Donald Trump oo lagu yaqaan inuusan u dulqaadan Karin dhaliisha ayaa bartiisa uu ku dagaalamo ee Twitterka kusoo qoray qoraal ku socda Xildhibaan John Lewis, isagoo xildhibaankaasi u sheegay inuusan u mashquulin isaga (Trump ah) balse ku mashquulo inuu wax u qabto dadkiisa (Madowga) soo doorta.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *