USA: Ninkii geystay weerarkii New Orleans oo ahaa askari Mareykan ah

2 days ago

Ninkii geystay weerarkii gaariga ee ka dhacay New Orleans, ayaa la aqoonsaday in uu ka tirsanaan jiray ciidamada Mareykanka oo ka yimid gobalka Texas.

FBI-da ayaa tuhmanaha ku sheegtay Shamsud-Diin Jabbar, kaasi oo u dhashay dalka Mareykanka, kana soo jeeda Gobolka Texas.

Jabbar oo 42 jir ah, kaasoo ka tirsanaan jiray ciidamada Mareykanka intii u dhaxeysay 2007 iyo 2020.

Waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyey Afgaanistaan ​​intii u dhaxeysay Febraayo 2009 ilaa Janaayo 2010.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ninkan uu gaadhi jiirsiiyay dad isugu soo baxay dabaaldegga sanadka cusub ee magaalada New Orleans ee dalka Maraykanka.

FBI-da ayaa sheegtay in calanka ISIL (ISIS) laga helay gaariga loo adeegsaday weerarka.

FBI-da ayaa dhacdada u baareysa mid “argagixiso” waxayna sheegtay in aysan rumaysnayn in darawalka uu keligiis weerarkan fuliyey.

Maanta oo khamiis ah, booliisku waxa ay sidoo kale sheegeen in ay baadhayaan xidhiidhka suurtagalka ah ee ka dhexeeya dhacdadan iyo qaraxii Tesla Cybertruck Arbacadii ee ka dhacay banaanka hotelka Trump ee Las Vegas, kaas oo uu ku dhintay hal qof tiro kalena ku dhaawacmeen.

Horseed Media