USA : Obama oo halgan ugu jiray inaan laalin sharciga Caafimaadka ObamaCare – VIDEO

Published: January 5, 2017

Madaxweynaha Maraykanka ee xilka kasii dagaya Barack Obama ayaa Baarlamaanka dalkaasi ka bilaabay olole uu uga hortagayo qorshaha xisbiga talada la wareegay ee Jamhuuriga oo doonaya inuu laalo sharciga Caymiska Caafimaadka ee loo yaqaan ObamaCare.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa qodobada uu ololaha doorashada ku galay kamid ahaa inuu gebi ahaan baabi`in doono sharcigaasi uu dhaqan geliyey Barack Obama oo ay caymiska caafimaadka ku heleen malaayiin Maraykan ah oo aan horey u heysan caymis.

Obama ayaa ka codsaday xildhibanada Xisbigiisa inay qaadaan tilaabo walba oo looga hortagayo qorshaha xisbiga Jamhuuriga oo isagu aan weli soo bandhigin wixii ay ku bedali lahaayeen ObamaCare.

Jamhuuriga ayaa hada heysta wooda ama codad ku filan oo ay ku burburiyaan ObamaCare balse ma heystaan codod ku filan oo ay ku dhaqan geliyaan sharciga cusub oo ay doonayaan inay ku bedalaan ObamaCare.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *