USA: Trump oo cunaqabateyn saaray IRAN – VIDEO

Published: February 4, 2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa cunaqabateyn kusoo rogay 25 mas`uul oo ka tirsan Xukuumada IRAN iyo shirkadaha dalkaasi ee xiriirka laleh warshadaha soo saara hubka IRAN.

Cunaqabateyntan ayaa imaaneysa kadib hanjabaadii Dowlada Trump u dirtay IRAN, kadib markii xukuumada Tehran todobaadkii tagay ay tijaabisay mid kamid ah Gantaaladeeda ridada dheer.

Trump ayaa horey uga soo horjeeday heshiiskii sanad kahor uu Madaxweynihii hore ee Obama la galay IRAN ee lagu hakiyey barnaamijka Nukliyeerka ee IRAN, hase yeeshee tijaabinta Gantaalada ayaan ahayn kuwo burinaya heshiiskii Nukliyeerka oo ah mid ka baxsan.

Xukuumada cusub ee Maraykanka oo ay xilal sare ka hayaan saraakiil in badan cadaawad u muujinayey IRAN ayaa cunaqabateyntan uga gol leh cadaadinta wadanka IRAN oo kamid ah 7 dal ee Muslimiinta ah ee uu xayiraada socdaalka saaray Trump.

IRAN ayaa iyadu jawaab horey uga bixisay xayiraadii Trump saaray Muwaadiniintooda,iyagoona sidoo kale xayiraad taas lamid ah saaray Muwaadiniinta Maraykanka oo aan hada tagi Karin dalka IRAN, waxaana kamid ah xayiirada IRAN dadka ay saameysay koox ka socotay Maraykanka oo lagu waday inay dalkaasi IRAN u tagaan ciyaaro caalami ah oo halkaasi ka dhacaya.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *