USA: Trump oo markii labaad kusoo rogay Xayiraada Socdaalka Muslimiinta – VIDEO

Published: March 7, 2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markale saxiixay wareegto lagu xanibayo socdaalka muwaadiniinta Muslimiinta ah ee kasoo jeeda lix dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

Xayiraadan socdaalka Muslimiinta ayaa ah markii labaad oo uu soo saaro Trump kadib markii xayiraadii 1aad ay laaleen Maxkamadaha Federaalka iyo Racfaanka ee dalkaasi.

Wareegtadan cusub ayaa u muuqata in qodobo laga soo bedalay wareegtadii hore, waxaana listiga dalalka Xayiraadan la saaray laga bixiyey Wadanka Ciraaq.

Lixda dal ee xayiraadan hada la saaray ayaa kala ah Soomaaliya, Yemen, Sudan, Liibiya, Siiriya iyo Iran.

Dowlada Ciraaq oo iyadu horey uga mid ahayd dalalka lagu daray wareegtadii hore ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay tilaabooyin qaaday, Baarlamaanka dalkaasi ayaa cod u qaaday in dowladooda ay jawaab u dhiganta mida Trump ay ka bixiso hadii wareegtadan markale lagu soo daro.

Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka iyo Arrimaha Dibada ayaa olole ugalay in Ciraaq laga saaro listigan maadaama wadanka Ciraaq ay hada ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah oo ka qeyb qaadanaya la dagaalanka kooxda Daacish.

Dhinaca kale wareegtadan cusub ayaa la sheegay inay dhaqan geli doonto 16ka bishan Maarso, taasi oo kaduwan wareegtadii hore oo si deg degleh lagu dhaqan geliyey, keentayna in xiisad iyo buuq ka dhasho Madaarada Maraykanka oo lagu xiray dad badan oo muslimiin ah.

Waxaa lagu xusay wareegtadan cusub in dadka horey u heystay VISA ama Sharciga Degenaanshaha ee Green Card aan laga horjoogsan karin socdaalkooda.

Sidoo kale waxaa laga saaray wareegtadan xayiraada ah qodobkii sheegaya in dadka heysta Diinta Kirishtaanka ee dalalkaasi kasoo jeeda iyagu si gaar ah ogolaansho loo siinayo, arrintaasi oo horey loogu sheegay mid ah cunsuriyeyn dhanka diinta ah qeybna ka aheyd diidmadii Maxkamadaha Maraykanka kala horyimaadeen xayiraadii hore.

Wasaarada Cadaalada ee Maraykanka ayaa sheegtay in wareegtadan cusub ay tahay mid sharci ah oo ay rajeenayaan in wax caqabad ah aysan kakeenin Maxkamadaha Maraykanka.

Donald Trump ayaa shalay xili uu saxiixayey wareegtadan diiday inuu xafiiskiisa ku casumo saxaafada isagoo ka cabsi qabay in su’aalo adag la weydiiyo.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *