USA: “ Waxaan ka walaacsan nahay jahwareerka doorashooyinka Soomaaliya ”

Published: March 19, 2021

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay jahwareerka Doorashooyinka ka jira Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqday madaxda Soomaaliya in doorasho deg-deg ah la qabto.

War saxaafadeed kasoo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Markaykanka, antony blinken ayaa ayaa lagu yiri waa in si deg-deg ah loo qabtaa Doorashada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso:

“Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee cidhiidhiga ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay.”

“Caqabada hada jirta waxay wiiqeysaa horumarka la sameeyay ilaa maanta, waxay dib u dhigeysaa dib u habeynta si deg deg ah loogu baahan yahay si Soomaaliya ay ugu sii socoto wadada loo marayo cafinta deynta oo dhameystiran, waxayna caqabad ku tahay la dagaalanka argagixisada. Mareykanku wuxuu taageerayaa xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay ku mudaaharaadaan si nabad ah oo ay si adag uga soo horjeedaan adeegsiga rabshadaha ee koox kasta.”

“Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay helaan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *