USA: ” Waxaan Ugu Baaqaynaa Madaxda Soomaalida, Soo Gabagabaynta Doorashada”

Published: July 1, 2021
Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay sida ugu deg degta badan uguna macquulsan usoo geba-gebeeyaan hanaanka doorashada dalka.

Blinken oo Soomaaliya u diray hambalyo la xiriirta munaasabadda maalinta xoriyadda ayaa sheegay in taasi si weyn muhiim ugu tahay mustaqbal wanaagsan oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

“ Munaasabaddan awgeed, waxaan ku baaqayaa in lasii wado wada-shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka, si taasi ay u suurta-galiso soo geba-gebeynta hanaan doorasho oo nabad ah, loo dhan yahay, islamarkaana daah-furan, sida ugu deg degta badan uguna suurta-galsan.”

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdisa ay faraxsan tahay inay sii waddoo taageerada ay siiso dadaallada madaxda Soomaalida ee ku aadan dhisidda Soomaaliya nabad, xasilooni iyo barwaaqo ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *