USA: Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa markii 2aad u diiday Jordan inuu noqdo Guddoomiyaha Aqalka

Published: October 19, 2023

Inta badan xildhibaanada Golaha Wakiilada Mareykanka ayaa diiday codsiga hoggaamiyaha xagjirka ah ee xisbiga Jamhuuriga, Mr.Jim Jordan inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha markii labaad Arbacadii shalay, Aqalka hoose ayaa 15kii maalmood ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiye la’aan.

Aqalka hoose ee Congress-ka ayaa ku jiray jahwareer tan iyo markii afhayeenkii hore ee xisbiga Jamhuuriga Kevin McCarthy ay rideen garabka midigt ee xisbigiisa 3-dii Oktoobar, tilaabadan oo hakad gelisay shaqadii dowlada Mareykanka iyo ansixintii miisaaniyada oo uu muran weyn ka taagan yahay.

Jordan, oo ah xubin si weyn ugu dhaw Donald Trump, ayaa laga rebay inuu helo inta badan cododka xisbigiisa, laakiin 22 kamid ah xisbigiisa ayaa diiday inuu xilkan qabto.

Xildhibaanada dhex-dhexaadka ah ee Jamhuuriga oo horeyba uga werwersanaa siyaasadiisa murashaxan midigta fog, ayaa ka dhawaajiyey inaysan taageeri karin Jim Jordan oo kamid ahaa xubnihii ka qeyb qaatay weerarkii taageerayaasha Trump ka sameeyeen Xarunta Kongareeska kadib markii looga guuleystay doorashadii 2020.

Horseed Media