USA: Xildhibaano ku baaqay inay is-casisho madaxa illaalada Madaxtooyada

Published: July 22, 2024

Agaasimaha Adeegga sirta ee qaabilsan illaalada Madaxtooyada Maraykanka Kimberly Cheatle ayaa ku gacan saydhay baaqyada labada xisbi ee ahaa in ay is casisho kadib fashilkii weerarkii lagu dhaawacay Madaxweynihii hore ahna murashaxa Jamhuuriga Donald Trump.

Ms.Cheatle oo maanta hortagtay guddiga Golaha Wakiilada ayaa diiday in ay faahfaahin ka bixiso dhacdada.

Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga, James Comer, iyo Madaxa Dimuqraadiga ee guddiga, Jamie Raskin ayaa ugu baaqay Cheatle inay xilka ka dagto.

In ka badan 4 saacadood ayuu socday kulankan guddiga su’aalaha adag ku weydiinayey haweenaydan ah Agaasimaha ciidamada qaabilsan illaalada Madaxda Mareykanka oo lagu dhaliilayo inay ku fashileen kahor tagida weerarkii 13kii Luulyo ka dhacay magaalada Butler, ee gobalka Pennsylvania oo lagu dhaawacay Trump.

Laakin waxa ay si isdaba joog ah u diiday baaqyada ah in ay xilka ka dagto, iyada oo tiri: “Waxa aan u malaynayaa in aan ahay qofka ugu fiican ee sii hogaamin kara hay’ada amniga ee qaabilsan amaanka Madaxtooyada & Madaxa Mareykanka.”

Ninka geystay weerarkaasi oo 20 jir ahaa, Thomas Crooks, ayaa waxaa dilay ciidamada illaalada. Ma cadda sababta ka dambeysay weerarkaasi oo weli baaritaan lagu wado.

Arbacada soo socota, agaasimaha hay’ada danbi baarista ee FBI-da, Christopher Wray ayaa kasoo hor muuqan doona guddiga cadaaladda ee aqalka hoose.

Afhayeenka aqalka Mike Johnson ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu ku dhawaaqo guddi hawleed labada xisbi ka kooban, si ay uga shaqeeyaan baaritaanada socda.

Horseed Media