3 days ago
Waaxda Maaliyada ayaa ugu yeertay weerarkan dhanka internetka ‘dhacdo weyn’, waxayna ku eedeysay kooxo uu Shiinuhu taageero.
Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa ku eedeysay Shiinaha inay jabsatay xogtooda isla markaana ay heshay macluumaad ay ku jiraan dukumeentiyo xasaasi ah.
Dowlada Shiinaha ayaa beenisay eedeynta, waxayna ku tilmaantay “mid aan sal lahayn”.
Dhacdadan ayaa imaanaysa todobaadyo kadib markii Beijing ay ku eedeysay Washington in ay laba weerar oo dhanka Internetka ah ku qaaday shirkadaha tignoolajiyada ee Shiinaha.
Horseed Media