USA: Xukumada Trump oo Soomalida lasoo shir tagtay Doodii Racfaanka – VIDEO

Published: February 8, 2017

Waxaa xalay dood kulul ka dhacday Maxkamada Racfaanka oo ay isla tageen Dowlad Gobaleedka Washington State iyo Xukuumada Trump oo dooneysa inay dib u dhaqan geliso Xayiraadii Muslimiinta oo uu dhawaan laalay Garsoore ku sugan gobalka Washington State.

Dacwada hortaal Maxkamada Racfaanka ayaa ah mid ay soo gudbiyeen xukuumada Trump oo racfaan ka qaadatay go`aankii uu Jimcihii gaaray Garsoore heer Federaal ee gobalka Washington State oo guud ahaan laalay wareegtadii Madaxweynaha Maraykanka uu xayiraada ku saaray 7 wadan oo Muslimiin ah oo ay Soomaaliya ku jirto.

Dooda ugu muhiimsan ee Qareenada u Doodaya Washington State ayaa ah in Wareegtada Madaxweynaha ay isir-sooc ku sameenayso Muslimiinta taasina ka horimaaneyso dastuurka Maraykanka, halka xukuumada Trump ku doodeyso in xayiraadan aysan ahayn mid isir-sooc ku sameenaysa Muslimiinta, balse tahay mid ku kooban 7 wadan ee Soomaaliya, Siiriya, Ciraaq, Yemen, Liibiya iyo Sudan.

Hase yeeshee dooda Qareenada Xukuumada ayaa waxaa burinaya hadalkii isla Donald Trump oo sheegay in dadka heysta diinta Kirishtaanka ee dalalkaasi xayiraada la saaray ay imaan karaan Maraykanka, arrintan oo muujineysa inay xayiraadan tahay isir-sooc ku aadan Muslimiinta oo kaliya.

Sadexda Garsoore ee Maxkamada Racfaanka ayaa su`aalo adag weydiiyey Qareenada labada dhinac ka socday.

Qareenada Trump vs Soomaalida

Qareenada ka socday Xukuumada Trump ayaa la weydiiyey inay la yimaadaan cadeyn ah in dadka kasoo jeeda 7 wadan ee xayiraada la saaray ay khatar ku yihiin Maraykanka, Qareenka xukuumada u hadlayey ayaa sheegay in Soomaali badan oo xiriir laleh Al Shabaab iyo kooxaha xagjirka ah horey loogu xukumay gudaha Maraykanka, walow Qareenkaasi ku fashilay inuu soo bandhigo in wax weeraro waaweyn ah ay Soomaalida ka geysteen gudaha Maraykanka.

Weeraradii waaweynaa ee horey uga dhacay gudaha Maraykanka oo ay geysteen muslimiinta xagjirka ah ayey geysteen muwaadiniin isla Maraykanka dhalashadiisa heysata iyo kuwo kale oo kasoo jeeda dalalka Carabta ee aan iyagu hada ku jirin Xayiraada uu soo rogay Trump, sida dalalka Sacuudiga, Masar, Lubnaan iyo Imaaraadka oo ay kasoo jeedeen kooxdii la sheegay inay geysteen weerarkii 11 September 2001.

Dhinaca Qareenada u doodaya maamulka Washington State oo kasoo horjeeda Go`aanka Trump ayaa iyaguna la weydiiyey sababta ay hada dacwado uga keeneen xukuumada Trump iyadoo Madaxweynayaashii horey usoo maray Maraykanka ay xayiraado horey u saareen dalal kala duwan, waxayse Qareenada Washington State uga jawaabeen in Xayiraadan ay kuwii hore uga duwantahay qaabka loo qoray oo loo dhaqan gelinayo oo salka ku heysa muslim naceyb.

Maxkamada ayaa laga sugayaa inay Go`aankeeda dhawaan ku dhawaaqdo, balse dacwadan ayaa ah mid sii socon doonta, Maxkamada Racfaanka ayaa hada dhageysaneysa oo kaliya codsiga Dowlada ee ah in wareegtada Madaxweynaha dib loo dhaqan geliyo oo la joojiyo laalidii uu Garsooraha Washington laalay go`aanka Trump, hase yeeshee doodan oo salka ku heysa Dastuurka ayaa la filayaa inay sii socon doonto illaa iyo Maxkamada Sare ee wadankaasi.

Dad badan oo kasoo jeeda dalalka xayiraada la saaray oo horey u heystay Dal-kugalka (VISA) Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka faa`iideystay inay tagaan dalkaasi kahor intaan maxkamada go`aan cusub kasoo saarin Xayiraada Muslimiinta la saaray kadib markii uu Garsooraha Washington State laalay xukunkaasi Jimcihi lasoo dhaafay.

Waxaase jira dad badan oo iyagu weli sugaya inay tagaan Maraykanka oo go`aankan ka warsugaya sida dadka qaxootiga ah ee horey loogu ogolaaday in loo qaado Maraykanka oo iyagu saameyn weyn ay ku yeelan doonto go`aanka kasoo baxa Maxkamada.


Halkan ka dhageyso Doodii maxkamada racfaanka oo dhameystiran
https://www.youtube.com/watch?v=ZmLir6COFCY
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *