Villa Somalia oo beenisay in ciidanka jooga Eritrea ay ka dagaalameen Tigray

Published: July 19, 2022
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa wararka soo baxay sannadkii hore ee sheegaya in ciidamo Soomaaliyeed ay galeen dagaalka Tigray ku tilmaamay ku-tiri-kuteen.

Afhayeenka oo maanta magaalada Muqdisho ugu warramayey saxaafadda ayaa sheegay in ciidankaas shanta kun ah oo tababaran la wado qorshahii iyo habraacii lagu keeni dalka.

Waxa uu sheegay in shanti kun ee askari ee “la la’aa” la helay, madaxweynuhuna kasoo warramay, guddiga waalidiinyta askartaas uu la kulmay.

Warar aan la xaqiijin oo ay tebiyeen warbaahinaha qaar ayaa hore u tebiyey eedahaasi. Idaacadda VOA Somali oo baadhitaan ku samaysay eedahaas wax caddaymo ah uma helin eedahaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkii tegay booqday askartaas ku sugan dalka Eritrea, ayada oo markii ugu horreysya muddo saddex sano ah ay suurta-gashay in muuqaallo laga helo.

Dowladda federaalka weli waqti uma qaban xilliga lasoo celinayo askartaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *