Villa Somalia oo isku daydey in ay xakameyso arrinta Biyo xireenka iyo webiga NIIL

Published: July 26, 2022
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar

Afhayeenka Madaxweynaha JFS Cabdikariin Cali Kaar oo ka hadlay hadal heyn ka dhalatay warar ay qoreen Warbaahinta Masar oo ah in Madaxweynayaasha Soomaaliya & Masar ay kawada hadleen Biyaha Nile ayaa sheegay in uusan jirin wadahadal gaar ah oo qodobkaas la xiriira.

Afhayeen Cabdikariin waxa uu cadeeyay in wada hadalka Labada Madaxweyne & Shirka Jaraaid ay qabteen marnaba aanay kusoo hadal qaadin arrintaan taasina ay muujineyso in uusan jirin wadahadal gaar ah oo ku saabsan muranka biyaha Webiga Nile.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Cabdulfataax al-Sisi ayaa sheegay isaga oo uu dhinac taagan yahay madaxweynaha Soomaaliya in isaga iyo madaxweyne Xasan ay isku waafaqeen khatarta ay leedahay in hal dhinac oo Itoobiya ah ay ku takrifalaan arrinta webiga Niil, Madaxweyne Xasan Sheekh arrintaas ma diidin kamana hor imaan, markii uu fursadda u helay in uu hadlo al-Sisi kadib.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *