Vladimir Putin oo saxiixay ka bixitaanka Ruushka ee heshiiskii lagu mamnuucay tijaabinta Nukliyeerka

Published: November 2, 2023

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo khamiis ah saxiixay sharci burinaya heshiiskii lagu mamnuucay tijaabada hubka nukliyeerka ee CTBT.

Saxiixa Putin ee go’aankan ayaa yimid kadib markii Aqalka sare ee baarlamaanka Ruushka uu ansixiyey dhamaadkii bishii Oktoobar.

Ruushka ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in Maraykanka oo heshiiskaasi wax ka saxiixay 1996-kii, balse Baarlamaanka Maraykanka ayaa weli ansixin heshiiskaas hore.

Moscow ayaa sheegtay in aysan dib u billaabi doonin tijaabada nukliyeerka hadii sidaa si lamid ah sameyso Washington.

Horseed Media