Waa kuwee dalalka Carabta ee diiday in xiriirka loo jaro Israel?

Published: November 13, 2023

Waxaa fashil kusoo dhamaaday shirkii dalalka Jaamacada Carabta ee Sabtidii lagu waday in go’aano laga soo saaro.

Shirkan ayaa markii danbe loo bedalay shirka wadajirka ah ee dalalka Islaamka & Carabta oo markii hore la qorsheeyey inuu dhaco Axaddii shalay.

Dalalka Jaamacada Carabta ayaa murrankooda dhex geeyey dalalka Islaamka kadib markii la isku mari waayey go’aano adag oo ay rabeen in la qaato dalalka qaarkood.

Go’aanadaasi oo ay kamid ahaayeen in cunaqabateyn la saaro Israel, sida xayiraada Hawada iyo militariga.

Qorshahaasi ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa in Mareykanka loo diido inuu isticmaalo saldhigyada ku yaal dalalka Carabta ama halkaas uu hub usii marsiiyo Israel.

Go’aanadan oo cadaadis xoogan saari lahaa Mareykanka iyo Israel ayaa waxaa diiday 9 wadan oo kala ah:

Sacuudiga
Masar
Jordan
Jabuuti
Imaaraadka
Baxreyn
Sudan
Marooko
Muritaaniya

Dhamaan dalalkan ayaa ah kuwa xiriirka diblumaasi la sameystay Israel marka laga reebo Sacuudiga iyo Jabuuti oo iyagu ah dalal martigeliya ciidamada Mareykanka oo ay xayiraadan saameyn lahayd.

Horseed Media