Waa sidee xaaladda magaalada Boosaaso iyo cabsida dagaal ee weli taagan?

Published: September 25, 2024

Maaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo loogu yeero xarunta ganacsiga Puntland oo ay ku taalo isha dhaqaale ee ugu weyn ee Puntland leedahay taas oo mar ahayd dekadda keliya ee geyiga Soomaaliyeed u adeegta, maamlmihii u danbeeyey xaaladdeedu waxay ahayd mid kacsan kadib markii ay soo baxdey in Madaxweynaha Puntland oo ku sugnaa xiligaas Gaalkacyo uu wado abaabul ciidan kaas oo la geeyo Boosaaso si Meesha looga saaro ciidamada PSF oo xarunta ugu weyn ku leh, inkasta oo beelaha gobolka Mudug ay diideen in ay ciidamo u diraan Boosaaso.

11 Seeptember qoraal ka soo baxay taliska PSF ayaa lagu sheegay in Garoonka Boosaaso uu muddooyinkii danbe ahaa xero ciidan, kaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Imaaaraadku taageero ee PMP. Hay’adda PSF ayaa sheegtey in adeega garoonka aan loo sineyn isla markaana iyaga loo diidey in ay isticmaalaan, sidaas darted waxay bixiyeen diginin. Garoonka ayaa xirnaa maalmo kooban kadib si caadi ah ayey diyaaradaha rayidku u bilaabeen in ay ku soo degaan, inkasta oo aan dalabkii PSF ee ahaa in garoonka lagu soo celiyo xaaladiisi caadiga ahayd aan waxba laga qaban.

Waxaa jira ciidamo ka tegey kuwa daraawiishta, PMPF-ta iyo askar kale oo u galay ciidamada PSF kuwaas oo ka xanaaqsan abaabulka uulaanka labaad ee Madaxweyne Deni, halka ciidamo iyaguna ka tegey PSF ay u galeen ciidamada kale ee ka soo horjeeda sida PMPF.

Habeenimadii Axadda ee 22 September waxaa mar kale khatar galay xaaladda Boosaaso waxaana qarka loo istaagey in dagaal bilowdo kadib markii ciidamo badan oo wata gawaarida gaashaaman oo ka tirsan PMPF ay buuxiyeen qaar kamid ah waddooyinka ciidamada PSF ay isticmaalaan, waxaa magaalada Boosaaso ka bilowdey qax iyoa barakac, isla habeenkaas dadka nugul ee taagta daran ayaa alaabahooda tuurta ku qaatey gaar ahaan kuwa degan Laanta Hawada iyo Boqolka Bush, muddo 40 daqiiqo ah kadib ayaa ciidamada dib loogu celiyey xeryahoodi. maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa isku dayey in ay xaaladda dejiyaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ciidamo badan oo ka tirsan PMPF ku soo daabuley basaska dadweynuhu raacaan maalmihii u danbeeyey kuwaas oo la sheegey in ay horey u ilaalin jireen Madaxtooyada Garoowe, haatanse looga baahdey Boosaaso. Madaxweynaha ayaa booqdey xerada 54aad maalintii Isniinta si uu u dhiiri geliyo ciidamada halkaas ku sugan, waxaana uu sidaan oo kale sameeyey kadib markii uu dagaalka isu diyaarinaayey sanadkii 2021, dagaalkaas oo socdey saddex maalmood.

Habeenimadii xalay ee 24 September ciidamo kala geddisan oo ka tirsan kuwa daacadda u ah Madaxweyne Deni iyo ciidamo ka irsan PSF ayaa isku dhacay, kuwaas oo isaga horyimid bartamaha magaalada Boosaaso waxaana ku dhaawacmey labo kamid ah ciidanka.

Xaaladda Boosaaso ayaa ah mid khatar kulaaleysa, PSF dalabkeedi ku aadanaa in garoonka diyaaradaha Boosaaso dib loogu cesho xaaladdii hore ee rayidka ayaan weli la fulin, maamulka Puntland weli waxa uu ciidamo ku daabulayaa Boosaaso, ma jirto waanwaan wax ku ool ah oo socota, waxaana markasta dhici kara isku dhac ciidan oo sababi kara dagaal weyn.

Horseed Media