Waa Sidee Xaaladda Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland?

Published: June 19, 2023

Maanta oo Isniin ah Golaha Wakiilada ee dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u guda galay ajandahoodi kal-fadhiga 52aad, kaas oo noqdey mid xasaasi ah.

  • Kalfadhiga 52aad oo ah kii u danbeeyey ee muddo xileedka baarlamaanka, marka laga tago kan miisaaiyadda saddexda bilood lagu ansixiyo ee Oktoobar 2023, waxaa horyaala xeer wax looga beddalaayo dastuurka oo xukuumaddu soo gudbisey.
  • Sidoo kale ajandaha waxaa kamid ah sida ay Puntland doorashadeedu noqoneyso 2024.

Fadhiga maanta waxaa lagu soo bandigey warbixino ay jeediyeen qaar kamid ah guddi hosaadyada Baarlamaanka, waxaana uu soo dhamaadey xili ka horeeya waktigii loog tala galay.

Maalinta berri ah ayaa baarlamaanku u ballamey in ay sii wadayaan dhegaysiga guddiyda iyada oo maalinta arbacada la soo gebagebeynayo dhegaysiga, waxaana markaas ku xigi doona qodobka dastuurka, haddii aan Baarlamaanku codgelin oo dib loo dhigin. ee Koonfurta Garoowe.

Ciidamada ka amar qarqaata Korneyl Jimcaale Jaamac Takar oo hadda aan ku shaqeyn amarka ciidamada Puntland ayaa goor hore oo saaka ah soo gaarey magaalada Garoowe, waxaana lagu arkey daafaha magaalada iyo weliba qaybo kamid ah jidka loo yaqaan Soddonka.

Ciidanka PMPF ee ilaalada xeebaha ayaa magaalada lagu soo daadiyey kuwaas oo gaar ka ahaya waddooyinka halbowlaha u ah baarlamaanka, madaxtooyada iyo weliba wasaaradaha.

Xaaladda guud ee maaalada ayaa ah mid degan ilaa hadda, laakiin, Ifafaalaha muuqdaa ma ahan mid wanaagsan, haddii aan xal loo helin, waxaana arimahan ku soo beegmayaan iyada oo Madaxweyne Deni muddo xileedkiisi ay ka dhiman tahay wax ka yar lix bilood, isaga oo ku adkeysanaya in uu sii wadaayo barnaamijka xisbiyada taas oo aan hadda heshiis lagu wada ahayn.

Waxaa cabsi weyn laga qabaa in magaalada dagaalo ka dhacaan haddii aan xal degdeg ah la helin.

Horseed media