WAARE: Inaan dhalo siyaasadeed isku jabsano Soomaaliyeey aan ka gudubno

Published: August 21, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay xafladda xiritaanka shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa sheegay inaan loo baahnayn isqab-qabsi xiliga lagu jiro marxalada kala guurka.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo loona turo dalka, ayna nasiib darro tahay in la isu jabsado wax uu ugu yeeray “Qarshe siyaasadeed” isagoo markaas la hadlayey madaxweyne Farmaajo iyo maamulada shirka ka maqnaa ee Puntland iyo Jubbaland.

“Haddii hotel aan shirko ku nahay habeenki marka xisaabta la xiraayo intii shirkada ku aheyd qof kasta oo baangad iyo bastoolad soo qaato oo yiraahdo Xisaabta waa in aan ku kala baxno, haddii habeen dhacdo habeen kale dhacdo ma idinla tahay inuu habeen kale sii shaqeynayo oo lagu soo hiran doono, lana soo degi doono ma idinla tahay, inta aan annaga isku sii jeedno kheyraadkeena waa beylah, Afar sano kasta marka la gaaro inaan dhalo qarsho isku jabsano Soomaaliyeey aan ka gudubno.

Madaxweyne Waare

Hadalka madaxweyne Waare ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta magaalada Dhuusamareeb lagu soo xiray shirka Dhuusamareeb 3, iyadoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *