Waare Oo Magacaabay Guddiga Soo Xulista Baarlamaanka Hirshabeelle

Published: August 29, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka shaqayn doona soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu magacaabay guddigan oo ka kooban 11 xubnood, kuwaas oo odayaasha dhaqanka kala shaqayn doona soo xulista xildhibanaada baarlamaanka.

Baarlamaanka hadda jooga ee Hirshabeelle ayaa muddo xileedkoodu ku egyahay 09/Oct/2020, waxaana guddiga farsamo looga fadhiyaa inay soo diyaariyaan baarlamaankii bedeli lahaa.

Waxaana markaas 17-18/Oct/2020 laga doonayaa baarlamaanka cusub inuu doorto madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *