Wadada isku xirta Qardho iyo Garoowe oo mar kale malayshiyaad isbaaro u dhigteen Musaafiriinta

Published: August 21, 2023

Mar kale wadada isku xirta Qardho iyo Garoowe ayaa ka xiran tuulada Libaaxo oo qiyaastii 80km Waqooyi uga beegana caasimadda Puntland ee Garoowe.

Wadada markan ma aysan xiran ciidamo gadoodsan oo mushahar ka cabanaya, waxaa xirey ganacsatada qaadka oo dagaal dhanka qaadka ah uu dhexmarey ganacsato kale oo xiriir dhaw la leh Madaxtooyada Puntland.

Wararku waxay sheegayaan qaar kamid ah ganacsatada oo ay ka mid yihiin Xildhibaano in ay maalmahan u joogeen Kenya arrimo la xiriira qaadka, iyo sidii magaalada Qardho looga dejin lahaa qaadka Miiraaga.

Dhalinyarada wadada xirtey waxaa soo abaabuley ganacsato kale oo qaadka ka ganacsan jirtey, kuwaas oo sheegtay in la dhibaateeyey.

Mid kamid ah dadkii la kulmey dhacdadan subaxnimadii isniinta oo Horseed Media lula hadley in aan magiciisa la soo xigan ayaa yiri, waxaan meesha ku kulaney boqlaal gaari oo laga soo siidaayey isbaarada Xarfo kuwaas oo ku jeedey Boosaaso, waxa akamid ahaa kuwo sida khudaar iyo kuwo sida xoolo nool, sidoo kale waxaa meesha lagu xanibey dadkii rakaabka ahaa ee gawaarida dadweynaha saarna, waxa meesha ka jirey ayuu yiri jaahwareer, lama oga waxa ay ka helayaan qaad walayaashu in ay sidaas u caddibaan dadka musaafiriinta ah oo maalmihii u danbeeyey jidgooyooyin ku dhex jirey, nin Geel jira ah ayaa nooo sheegay waddo aan ka wareegi karno si aan Garoowe u soo gaarno 40km oo waddo raf ah ayaan marney si aan caasimadda u nimaano ayuu yiri musaafirkan dhibtu ku qabsatey maanta aaga Libaaxo.

Bishan Agoosto ayaa ahayd tii ugu xumeyd ee soo marta dadka musaafiriinta ah ee sida hawl yarida ah isaga gooshi jireygudaha Puntland.

Kontoroolka Xarfo ee gobolka Mudug ciidamadii qabsadey ayaa halkii gaari ku soo rogey $50 dollar in ay iska bixiyaan ka hor inta aan cabashadooda la xalin.

Goor danbe oo oo isniinta ah ayaa xal laga gaarey kadib 24 saacadood oo wadadu xineyd, waxaana gaarey halkaas, ganacsadey jaamac Dhadheere iyo guddoomiyaha Dangoroyo.

Madaxweynaha Puntland waxa uu ku maqan yahay dalka Imaaraadka carabta safar gaar u ah oo aan qof kale ku wehelin, Guddoomiyihii baarlamaanka iyo Xildhibaano badan waxay ku sugan yihiin Nairobi, waxaana qaarkood ku leg lee yihiin xiisadda qaadka.

Horseed Media