Wadan Yurub Ku Yaala oo Bedelaya Magac Somalidu U Taqaano

Published: December 28, 2019

Dalka Natherland ee ku yaal waqooyiga qaarada Yurub ayaa qorshaynaya inuu Sanadkan soo socda ka guuro magaca uu caanka ku yahay ee Holland, kaasi oo Soomaalidu u taqaan.

Magaca Holland ayaa loogu yeeraa gobol ka mid ah dalkaasi oo ay ku yaaliin magaalooyinkii waaweyn ee kala aha Amstardam, Roterdam iyo caasimadda dalkaasi ee the Heagu.

Wasiirka Ganacsiga ee NatherlandSigrid Kaag waxaa uu sheegay in bisha Jannaayo ee 2020 si rasmi ah loo joojin doono isticmaalka magaca Holland, lana adeegsan doono magaca Natherland, waxaa kaloo uu xusay in ciyaaraha olybikada ee 2020 ee Tokyo iyo tartanka heesaha ee Eurovision loo adeegsan doono magaca Natherland.

Labo Boqol oo kun oo lacagta Euro ayaa ku bixi doonto magaca holland ee laga guurayo sida uu sheegay wasiirku

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *