Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo maanta xiran

Published: April 20, 2023

Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta xiran, xilli loo diyaar garoobayo munaasabada ciidul fidriga.

Ciidamada katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ka celinaya waddooyinka muhiimka ah ee laamiyada.

Jidadka maanta ayaa waxaa kamid ah Waddada Maka Al-mukarama, Isgoyska KM4, Soobe iyo Tarabuunka, kuwaas oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ee Magaalada.

Lama oga sababta loo xiray waddooyinkan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha Ammaanka gaar ahaan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Horseed Media