Wafdi hordhac u ah booqashada Madaxweyne Xassan sheekh oo gaaray Baydhabo

Published: May 30, 2022

Wafdi uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamuud oo ay qeyb ay ka ahaayeen Xildhibaano iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka ayaa maanta gaaray magaakada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur galbeed.

Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdifatax Mahad Cabdiraxmaan iyo Masuuliyiin kale.

Wafdigaan maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa Hordhac u ah safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shekh Maxamuud oo lagu wado in Maalinta Beri ah mgaaro Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis  lafta-gareen iyagoo ka wada hadli doona isbedalka ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii May, taas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *