Wafdi ka socda DFS oo shir uga qeyb galaya dalka Itoobiya

Published: June 20, 2022

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Pekos iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa Addis Ababa kusoo dhoweeyey Qunsulka Safaaradda JFS ee Itoobiya ahna ku simaha Safiirka Cali Maxamed Xuseen iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Wafdigaan ayaa Magaalada Addis Ababa uga qayb gelaya Shirka Nabadda, Horumarka iyo Dowladnimada Geeska Afrika oo ka furmaya magaaladaasi

Wasiir Maxamuud Pekos waxaa socdaalkiisa shaqo ku wehelinaya Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalam Suleymaan Koodaar.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *