Wafdi ka socda UN-ta oo gaaray gobalka Gedo

Published: December 11, 2020

Wafdi ka socda hay’ada UNOCHA ee Qaramada Midoobay ayaa gaaray  magaalada Doolow ee gobalka Gedo.

Wafdigan ayaa waxaa hogaamineysa  Kuxigeen Madaxa Xafiiska Soomaaliya, Ms.Cindy Isaac. Wafdiga ayaa la kulmay kooxaha samafalka, maamulka degmada iyo dadka deegaanka oo ay ka wareysteen adeegyada gargaarka iyo baahida deegaankaasi ka jirta.

Waxay xubnahan ka socda UN-ta sidoo kale booqdeen xarumaha caafimaad iyo waxbarasho oo ay UN-ta horey uga hirgelisay degmadaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *