Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo markii ugu horreysay u kuur gelaya xaalada Laascaanood

Published: May 20, 2023
Shares18

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa markii ugu horreeysay gaaray Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, tan iyo markii uu halkaasi dagaalka ka billaawday.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay shacabka Magaalada Laascaanood, isaga oo kala hadlay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii ka dhacay Magaalada iyo degaannada hoostaga.

Sidoo kale, Wasiir Jaamac Xasan Khaliif ayaa waxaa lagu wadaa in uu booqdo xarumaha muhimka ah ee Magaalada, kaas oo uu saameeyay dagaalka.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka socdey dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC, iyadoo ay ka dhasheen khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya iyo dadka shacabka ah.

Horseed Media