Wafdigan ayaa wadahadal la yeelanaya madaxda cusub ee dalka, oo ay ku jiraan kooxda HTS, oo Maraykanku u aqoonsanyahay urur argagixiso.
Dublamaasiyiintii ugu horeysay ee Mareykan ah oo booqda Suuriya tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa wadahadalo la yeeshay madaxda cusub ee dalkaas, oo ay ku jiraan kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) oo uu Mareykanku u aqoonsaday urur “argagixiso” .
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe Barbara Leaf, Ergeyga Gaarka ah ee hore ee Suuriya Daniel Rubinstein iyo madaxa arrimaha la haystayaasha, Roger Carstens, ayaa ku sugan caasimadda Dimishiq, Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.
Ajandahooda ugu horeeya ayaa noqon doona dawladda ku meel gaadhka ah iyo sida Maraykanku u caawin karo.
Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Rubinstein, Leaf iyo Carstens ay la kulmi doonaan saraakiisha HTS balse ma aysan sheegin in kuwan uu ku jiro hoggaamiyaha kooxda Axmed al-Sharaa, oo mar la safnaa Al-Qaacida.
Horseed Media