Wafdi Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Gaaray Beledweyne

Published: December 1, 2020

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyey guddoomiyaha iyo wafdigiisa masuuliyiin ay kamid yihiin guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ujeedka safarka wafdiga ka socday Hirshabeelle ayaa ah sidii loo xallin lahaa tabashooyin ka dhashay doorashadii ka dhacday Jowhar ee lagu dhisay maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Beledweyne ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ka dhacay mudaaharaadyo looga soo horjeedo madaxda cusub ee Hirshabeelle, waxaana banaanbaxyadaasi loo xiray dad la sheegay inay soo abaabuleen.

Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta ka badbaaday cilad ku timid diyaarad ay markii hore ka raaceen Jowhar taasoo ku xumaatay meel ku dhow Beledweyne.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *