Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Degaanka Masijka Cali Gaduud

Published: November 4, 2022

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayna qeyb ka ahaayeen Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray Degmada Masijka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa degmada Cali Gaduud kusoo dhoweeyay Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida waxa uuna bogaadiyay guulaha laga gaaray howlalada lagu ciribtirayo Al-shabaab.

Soo dhoweynta kadib Masuuliyiinta ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dhowaan Al-shabaab ka xureeyay Degmada Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale Madaxda ayaa kormeeray Fariisimaha Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa kacdoonka waxa ayna bogaadiyeen guulaha muhiimka ah ee ay soo hoyeen iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Deegaankan ayaa goob muhiim u ahaa Ururka Al-shabaab waxaana dagaal muddo ka socday kadib ciidamada Dowladda kala wareegeen laba maalin kahor.

Horseed Media